MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Tan iyo markii sanadkaan bilowgiisa uu cirka isku shareeray xiisada u dhexeysa labada dal ee Somalia iyo Itoobiya ayaa waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in labada dal uu dhexmaro dagaal toos ah.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay markii Dowlada Itoobiya diiday soo jeedinta Soomaaliya ee ah inay Itoobiya ka laabato heshiiskii sharci darada ahaa ee Itoobiya Bishii Janaayo ee sanadkaan ay la gashay Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee la baxay Somaliland.

Advertisement

Sidoo kale xiisada ayaa sii adkeysay markii maalmo ka hor uu fashilmay wada hadaladii Turkigu soo qaban qaabiyay ee la doonayay in la isugu soo dhaweeyo labada  Dowladood.

Itoobiya ayaa cadeysay inay ka go’an tahay inay xoog ku qaadato dhulka Soomaliyeed gaar ahaan badda Gobolada Waqooyi taasoo keentay in Dowlada Somalia ku qasabtay inay diyaar garowdo gaar ahaana hubeyso ciidamada Milatariga,mooralka u dhisto.

Sidoo kale Dowlado waxay laba heshiis oo iskaashi milatari oo dhanka amniga ah la gashay Dowladaha Turkey iyo Masar si looga gaashaanto wax kasta oo ka yimaada dhanka milatariga Itoobiya xili dalkaasi uu hogaaminayo Abiy Axmed oo raba in dhibaatada gudaha dalkiisa ka heysata uu ku xaliyo dagaal uu ku qaado dalka Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowlada Masar ay siisay Dowlada Somalia hub casri ah oo ay milatariga Somalia kaga hor tagi karaan taangiyada Itoobiya hadii duulaan uu ka yimaado.

Hubkaan ayaa la sheegay in ciidamada Milatariga durba farta laga saaray una diyaarsan yihiin inay taangiyada Itoobiya ku dhalaaliliyaan kuwaasoo isugu jira garneelada garbaha laga rido iyo miinooyinka ama bambooyinka loo dhigo taangiyada kuwa ugu danbeeya ee dunida laga isticmaalo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here