Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia Milateriga Somalia ayaa fuliyay howlgal qorsheysan kaasoo ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose,waxaana lagu soo furtay dad shacaba oo Alshabaab u xirnaa iyo waliba gaadiid dadweyne.
Hadaba halkaan ka akhriso warka dhanka Dowlada ka soo baxay oo sidaasa u qoran:-
Howlgal qorsheysan oo Cagta lagu mariyay Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta ayaa gelinki dambe ee shalay illaa xalay waxaa ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen tuulada Gumeysidiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October oo Khawaarijta ku hor-fadhiya degmada Awdheegle ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalka, waxaana ay bur-buriyeen baraha Koontorool ee Khawaarijta ay ku baadi jireen Shacabka iyo gaadiidka.
Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” ayaa Xaqiijiyay inta uu howlgalka socday inay Libaaxyada Qarankeenna ee Xoogga Dalka sii daayeen gaadiid iyo shacab ay Khawaarijta ku xayireen tuulada Gumeysidiid iyo in Khawaarijta uu howlgalka ku gaaray jab Xooggan.
“Ma Aqbaleyno inay Khawaarijta dulsaar kusii ahaadaan oo ay sii dhibaateeyaan bulshadeenna iyo qarannimadeenna, waxaan markasta diyaar u nahay inaan uga daba tagno goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan” ayuu yiri G/sare Nur Farey, Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya.May be an image of 1 personMay be an image of all-terrain vehicleNo photo description available.May be an image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here