Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia ay fashiliyeen shieqool halis ahaa oo ay maleegeen Xoogaga Alshbaab.

Shirqoolkaani waxaa ka hor tagay Ururka 53-aad ee guutada 14-ka October kadib howlgal cijdan oo ay  ka fuliyeen deegaano dhinaca xeebaha gobolka Shabeeladda hoose.

Advertisement

Howlgalka waxaa gabi ahaanba lagu fashiliyay qaraxyo ay Alshabaab u diyaarsadeen inay ku burburiyaan Xerooyinka milatariga ee ku yaalla duleedyada Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka mida kuwa hogaaminayay howlgalka ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mida Alshabaab uu ku dhintay kuwo kalana ay ku dhaawacmeen markii uu ku qarxay mid ka mida walxaha qarxa ay diyaarinayeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here