May be an image of 3 people and text

MAXAAS (DAYNIILE.COM)-Sida goor dhaw lagu cadeeyay qoraal uu Howlgalka ATMIS soo dhigay bartiisa Facebook Ciidamada Xooga Dalka Somalia ayaa si rasmi ah ATMIS kala wareegay saldhigii ay kaga sugnaayeen Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Advertisement

Madaxa Saadka howlgalka ATMIS   Col. Bosco Sibondavyi ayaa hadalo kooban ka jeediyay munaasabadii loo qabtay xil-wareejinta,wuxuuna ku amaanay ciidamadooda waqtigii ay soo shaqeeyeen sidii ay uga qeybqaateen amniga iyo u adeegida bulshada.

Sidoo kale Xuseen Maxamed oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee la wareegay xerada Maxaas ayaa isna carabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin la wareegista amniga Degmada Maxaas iyo sidoo kale inay sii wadaan la dagaalanka alshabaab.

Madaxa Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay UNSOS u leedahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ee geeddi-socodka nabadaynta.

Xarunta Maxaas waxay noqoneysaa tii lixaad ee milateri Somalia uu kala  wareego ATMIS.

UNSOS waxay Sidoo kale sheegtay inay bixisay kaalmo ku saabsan saadka qalab ay Qaramada Midoobay leedahay, oo ay ku jiraan koronto-dhaliyeyaasha, ceelasha riigga ah,  si loo fududeeyo tas-hiilaadka xerada iyo taageerada nolosha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 11 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 14 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here