BARIIRE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo uu hogaaminayo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Somalia Muxudiin Axmed ayaa maanta ATMIS kala wareegay saldhig ciidan oo ay ka joogeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa in mudo ahba maamulayay kuna sugnaa saldhigaasi balse waxaa maanta si rasmi ah ugala wareegay amniga deegaanka iyo saldhigaba Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Advertisement

Ujeedka Saldhigyada ATMIS ay ula wareegayaan Ciidanmada Soomaaliyeed ayaa ah mid daba socota qorshaha bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ka socda ee magaca ATMIS ku jooga Soomaaliya kuwaasoo lagu wado inay ka dhamaadaan guud ajhaan dalka inta sanadkaan ka harsan.

Xaflad yar oo kooban oo ka dhacday Bariire ayay labada dhinac ku kala wareegeen amniga waxaana hadalo kooban uu jeediyay Muxudiin Axmed uu uga mahadceliyay ciidamada ATMIS mudadii ay halkaasi amnigeeda sugayeen iyo gacan siintooda Qaranka Soomaaliyeed.

Saldhigaan ku yaalaa magaalada Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana gacanta ku hayay ciidamo ka socda dalka Uganda oo ka mid ah hawlgalka ATMIS, waxayna saldhigaas degeen Sanadkii 2019.

Saldhigaan ayaa la sheegaa inuu yahay mid istiraatiiji ah oo laga ilaaliyo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa uuna u jiraa magaalada qiyaastii 60 km oo uu uga beegan yahay dhanka galbeedka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here