CEEL-DHEERE (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Milatariga Somalia ayaa la soo sheegayaa inay maanta howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen Gobolka Gal-gaduud gaar ahaan duleedka Magaalada Ceel-dheere.

Howlgalka waxaa fuliyay Ciidanka Xogga dalka gaar ahaan Ururada 85aad iyo 86 aad waxayna Dowlada Somalia sheegtay in guulo laga gaaray howlgalkaani.

Advertisement

Wararka dhanka Dowlada ka soo baxay waxaa kale oo lagu sheegay in howlgalkaani oo ka dhacay  deegano u dhexeya Xuseen Cagey Iyo mowlidka ee bariga galgaduud lagu dilay xubno alshabaab ka mida.

Tirada Alshabaabka la dilay waxaa lagu sheegay inay yihiin 3 dagaalame ,sidoo kalana Saraakiisha Dowladu waxay intaasi ku dareen in fariisimihii lagu weerarey Alshabaab gabi ahaanba la  burburiyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and rhinocerosMay be an image of 2 people and rhinoceros
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here