Kadib markii dhawaan war ka soo baxay Taliska Milatariga Dowlada Somalia uu ku shaaciyay in howlgal Mareykanku ka caawiyay ay ka fuliyeen deegaano Puntland ka tirsan ayaa waxaa arintaasi si weyn u beeniyay taliska Milatariga Mareykanka.

Taliska Milatariga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa waxkama jiraan ka soo qaaday inay qeyb ka ahaayeen hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Advertisement

Warka Dowlada oo soo baxay 3 maalin ka hor ayaa lagu sheegay inay deegaanada Puntland ku dileen 20 ka mida dagaalamayaasha Alshabaab islamarkaana saaxiibada caalamka ay ka caawiyeen.

Sidoo kale isla warkaan waxaa maalin ka hor beeniyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir kaasoo xusay in maamulkoodu isku filan yahay dhanka amniga islamarkaana aaney waxba ka jirin warka Dowlada Somalia ay ku sheegatay inay deegaano ka tirsan Puntland kula dagaashay Alshabaab.

lama oga sida uu taliska milatariga Somalia uga jawaabi doono warkaani ka yimid dhanka idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga oo ay ku shaaciyeen in Mareykanku beeniyay inuu milatariga Somalia howlgal puntland ka dhacay ay kala qeybqaateen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here