QAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israel ayaa sheegay inay maanta dagaal culus la galeen qaar ka mida dagaal yahanada reer Falastiiniyiin.

Inkastoo sidii ay caanka ku ahaayeenba guulo ay ka sheeganayaan dagaalkaasi ,waxay tilmaameen in dagaalkaasi ka dhacay magaalada Zeitoun ee Gaza.

Advertisement

Milateriga Israa’iil waxay sheegeen in guutada Nahal guutada ay taageerto duqeymo xagga cirka ah oo ay ku qaadeen deegaankaas.

Milatariga Israaiil waxay sheegteen inay dileen tiro aan la cayimin oo dagaalyahanno Falastiiniyiin ah, oo uu ku jiro dagaalyahan ka tirsan Jabhadda Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta oo ku lug lahaa weerarradii 7-dii October inkastoo sheegashada Yuhuuda aan cadeyn loo heyn.

Milateriga ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaal ay ku sheegeen in bambaanooyinka gacanta laga tuuro, madaafiic iyo qoryo laga helay halka dagaalka uu ka dhacay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here