Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta xabsiga la soo dhigay xili uu u eedeysan yahay Hay’adaha garsoorka iyo Booliiska  Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Askarigaan oo lagu magacaabo Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) ayaa dhawaan ka soo muuqday baraha bulshada isagoo naqdinaya amar ka soo baxay garsoorka Soomaaliya.
 Ciidanka Booliiska gobalka Banaadir gaar ahaan saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa soo xirey Cadaawe Jilib.
Askarigaan wuxuu ku eedeysan yahay is hor istaag amar Maxkammadeed iyo ku lug lahaasho kicin bulsho.
Hadalada lagu heysto ee uu  baraha bulshada ka yiri waxaa ka mid inuu ku hanjabay inuu maqas ku dilaayo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Jen.Xasan Cali  Nuur Shuute.
Guud ahaan dadkii maalmihii u danbeeyay Boliisku soo xireen oo askarigaani u danbeeyo oo isku wada danbi ah waxaa lagu wadaa in la soo taago Maxkamadda ciidamada iyo tan Gobolka Banaadir.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 5 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here