XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in kasoo kabashada xasuuqii ay qayb ka tahay taariikhda Real Madrid.
Arteta ayaa sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay maanta, kahor kulanka lugta labaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League ay la leeyihiin kooxda Los Blancos.
Arsenal ayaa hoggaan 3–0 ah ku heysa kulankii lugta hore ee ka dhacay garoonka Emirates toddobaadkii hore.Tan iyo guuldarradii cusleyd ee ka dhacday Waqooyiga London, warbaahinta Madrid ayaa kor u qaaday rajooyinka ku aaddan in kooxda ay ka soo kaban karto isla markaana ay u soo gudbi karto wareega afar dhammaadka.
Arteta oo ka hadlayay suurtagalnimada in Madrid la timaado kasoo kabasho cajiib ah wuxuu yiri:
“Waa qayb ka mid ah taariikhdooda waana kasbadeen xaqa ay uga hadli karaan xaaladahan.”
“Maskaxdeennu waa mid ka duwan, waxaan diiradda saarnay sida aan u yeelan karno fursad fiican si aan uga fiicnaanno iyaga.”
Markii la weydiiyay haddii kooxdiisu ay ka baqeyso taariikhda Real Madrid iyo sumcaddooda tartanka, Arteta wuxuu ku jawaabay:
“Cabsi? Ereygaas ma isticmaali karo”
“Ixtiraam, iyo qaddarin weyn ayaan u haynaa waxa ay ka qabteen tartankaan sanado badan.”
“Taariikhda ay leeyihiin iyo qiyamka ay u taagan yihiin… waa wax lala yaabo, waa yaab iyo cajaa’ib. Waxaa dhiirrigelin u ah tababare kasta.”