HomeCiyaarahaMikel Arteta Oo Qirtay In Uu Arsenal Ka Fasaxay Xiddig Cajiib Ah.

Mikel Arteta Oo Qirtay In Uu Arsenal Ka Fasaxay Xiddig Cajiib Ah.

Mikel Arteta ayaa sheegay in uu u ogolaaday ciyaaryahan ‘qaas ah’ inuu ka tago Arsenal markii uu xiddiga Emile Smith Rowe ka iibiyay kooxda Fulham.

Smith Rowe ayaa soo afjaray xiriirkii dheeraa ee uu la lahaa Gunners xagaagii hore, isagoo u wareegay Fulham heshiis qiimihiisu ka badan yahay 30 milyan oo euro.

Kubadsameeyaha ayaa ku biiray Arsenal isagoo 10 jir ah, wuxuuna u saftay 80 kulan oo Premier League ah kooxdii yaraantiisii.

Smith Rowe ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo intii uu joogay Arsenal, si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho xilli ciyaareedkiisii ​​ugu dambeeyay ee Emirates Stadium.

Arteta ayaa wali aaminsan in Smith Rowe, oo 24 jir ah, uu noqon karo ‘ciyaaryahan heer sare ah waxana uu sheegay in uu leeyahay tayo cajiib ah.

Mar wax laga weydiiyay ciyaaryahankiisii ​​hore shirkiisa jaraa’id ee ka hor Fulham Arteta ayaa yidhi”Waa wax aan caadi ahayn tayadiisa”.

“Waxa uu helay dhammaan sifooyinka si uu u noqdo ciyaaryahan sare, waxa uu ku dhibaatooday in uu joogto noogu ciyaaro anaga laakiin waxa uu leeyahay tayo cajiib ah”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -