Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo tabashooyin kale oo ay qabeen.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bahda waxbarashadu ay yihiin lafdhabar xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, isla markaana u soo dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, iyagoo ka soo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd, soona saaray jiilal tayo leh oo ay ka badbaadiyeen jahliga iyo colaadihii dalka ka jiray.

Advertisement

Ugu dambayn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray guddiga arrimaha bulshada Aqalka Sare in ay si dhow ula shaqeeyaan Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, si kor loogu qaado nidaamka waxbarashada dalka.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, headscarf, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here