Golaha amaanka Midowga Afrika ayaa shalay soo saaray bayaan Kadib codsi dhawaan la sheegay inay Dowlada Soomaaliya u gudbisay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobe kaasoo ahaa in dib u eegis lagu sameeyo qorshihii hore ee ahaa inay ciidamada ATMIS baneeyaan Soomaaliya sanadka 2024 dhamaadkiisa.

Gollaha Amaanka ee Midowga Africa bayaankooda waxay ku taageereen in aan la de dejin bixitaanka ciidamada ATMIS ee ka howl gala Soomaaliya.

Advertisement

4,000 oo askari oo ka mid ah guud ahaan ciidamada ATMIS oo ah 13,500 oo askari ayaa qorshuhu ahaa inay bishaan June ka baxaan Somalia balse Dowlada Somalia ayaa dalbatay inay 2 kun kaliya baxaan halka labada kale dib loogu dhio ilaa bisha september.

Gollaha Midowga Afrika khamiistii ay ku yeesheen Adis-ababa ayay ku taageereen codsiga Dowlada Somalia oo ah in sidii hore qorshuhu u ahaa laga tartiibsho bixitaanka Ciidamada ATMIS.

Bayaanka ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu taagtaagsaday in laga fiirsado inaan Alshabaab fursad loo siin inay mar kale Dowlada maja-xaabiyan sidaas daradeed la iska ilaaliyo si aanu u dhicin firaaq amni.

Golaha amaanka Midowga Afrika wuuxuu soo jeeiyay in kla sameeyo Howlgal cusub oo Midowga Afrika uu horkaco kasoo noqon doona mid  ATMIS bedella.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here