War ka soo baxay Dowlada Masar ayaa lagu shaaciyay inay Somalia ciidamo u soo dirayaan sanadkaan marka uu dhamaado islamarkaana ay baxaan ciidamada hada ku jooga soomaaliya magaca ATMIS.

Midowga Afrika ayaa la sheegay inay aqbaleen Ciidamada Dowlada Masar u soo direyso Somalia kuwaasoo ka mid noqon doona howlgalka cusub ee xigi doona kan ATMIS oo guud ahaan dalkeena ka bixi doona dhamaadka sanadkaan.

Advertisement

Howgalka cusub ee sanadka 2025 waxaa loogu magac daray AUSSOM waxaana ilaa la ogyahay masar  iyo Jabuuti inay qeyb ka yihiin howlgalka cusub halka Itoobiya ay ku xiran tahay inay ka laabtaan heshiiskii ay la galeen maamulka Somaliland kaasoo xadgudub ku ahaa madax banaanida dhuleed ee Somalia

Midowga Afrika wuxuu aad u soo dhaweeyay ciidamada Masar ee ku soo biirey howlgalka cusub ee Somali,kuwaasoo Dowlada ka caawin doona sugida amniga deegaanada Alshabaab ay ciidamada Dowladu ka saaraan Alshabaab.

Talaabada Masar ayaa ku soo aadeysa xili khilaaf uu kala dhexeeyo Itoobiya kaasoo ka dhashay wabiga Niil.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

SDM - Gaadiidka Dagaalka Iyo Ciidamada Gaarka ah Ee... | Facebook

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here