War saaka ka soo baxay Taliska Booliiska Maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay inay soo qabteen mid ka mida Alshabaabkii dhawaan ka baxsaday xabsiga Gaakacyo.
Qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska Puntland ayaa sidan u qornaa:-
Ciidamada Booliiska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo ka kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi.
Sidoo kale waxaa wili baxsad ah,
1 Abdiqani saleeban jama (Sayloor)
2Abdulahu faysal xusen (Abuujonge)
3Abdirahman Awal maxamed (Siigayste)

Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah.
May be an image of 2 people and car
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here