HomeCiyaarahaMichael Owen Oo Magacaabay 3 Kooxood Oo Ku Tartami Doona Saxiixa Alexander...

Michael Owen Oo Magacaabay 3 Kooxood Oo Ku Tartami Doona Saxiixa Alexander Isak

Michael Owen ayaa kalsooni ku qaba in Liverpool ay kula tartami doonto Arsenal iyo Chelsea saxiixa Alexander Isak hadii weeraryahanka Newcastle la heli karo xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed kale oo cajiib ah isaga oo Newcastle kula guulaystay koobkii ugu horeeyay muddo dheer.

Newcastle ayaa dooneysa inay 25 jirkaan ku xirto qandaraas cusub oo waqti dheer ah laakiin weeraryahanku kuma degdego inuu ka hadlo heshiisyo cusub, gaar ahaan iyadoo Newcastle ay ka fog tahay inay ka soo muuqato Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Arsenal ayaa xiddigii hore ee Real Sociedad ka dhigtay halka ugu sareysa liiska ciyaartoyda ay dooneyso suuqa kala iibsiga, halka Chelsea sidoo kale si aad ah loola xiriirinayo xagaaga.

 

 

 

 

 

Laakiin Owen ayaa aaminsan in ay Liverpool ku jirto tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga haddii Magpies ay muujiso inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada.

“Haddii Isak uu diyaar ahaa waxaan u maleynayaa in Liverpool ay sameyn doonto wax walba oo ay awoodaan si ay u helaan qof sidaas oo kale ah,” Owen ayaa u sheegay talkSPORT.

“Laakin Arsenal sidaas oo kale”.

“Arsenal gabi ahaanba aad ayey ugu baahan tahay ciyaaryahan sidaas oo kale ah. Yaa aan quus ka istaagi doonin ciyaaryahan sidaas oo kale ah”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -