Wararka laga helaayo xerada Qaxootiga Dhagaxley ee Kenya ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw laga helay meydka Nin Odey ah oo ku cusub xeradaasi.

Meydka Nin-kaan odeyga  ayaa hor yaala xaruunta DRA ee  lagu bixiyo kaararka aqoonsiga qaxootinimo ee Xerada Dhagaxley lamana yaqaan sababta dhimashadiisa,  hadii la dilay iyo hadii uu xanuun degdeg ah u dhintay intaba.

Markii ugu war dambeysay wuxuu hoos jiifay geedka hada meydkiisa laga helay isagoo sidii u jiifa balse markii la kici maagay la ogaaday in naftuba ku jirin.

Ila wareedyo aan la xiriirey ayaa iisheegeen in ninkan uu mardhaw Soomaaliya ka yimid islamarkaana ku cusub yahay xerada isaga iyo qoyskiisaba,waxayna maalmahaan danbe saf ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen kaarka aqoonsiga qaxootinimo.
Wixii war ah ee ku soo kordha wararkeena danbe ayaad ku hei doonaan madaama goor dhaw la arkay wax faah-faahinana laga heyn sababta geerida keentay madaama aan wali baaritaan la sameyn.
WARIYE XASSAN MWALIMU  (Xerada Ifo)

May be an image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here