Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Aqalk Sare Sen. Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde” ayaa Salaadda Janaasada kula tukaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare, ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyey qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Advertisement

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka, Safiirka Dowladda Turkiga iyo masuuliyiinbkale.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here