MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii Dowladu amartay in qabuuraha Iskuul Buliisiya laga saaro meydadka ayaa waxaa saaka bilowday in ehalada meydadka halkaasi ku jira ay qabuuraha kala baxaan.

Qaar ka mida TV-yada Soomalia ayaa saaka gaaray qabrigaasi oo 10 maalin Dowladu amartay in lagu baneeyo halkaasoo ay soo buuxdhaafiyeen dadka ehalka la ah meydadka qabriyadaasi ku jira.

Advertisement

Hooyo Soomaaliyeed ayaa ku cabatay inay ka codsaneyso Madaxweyne Xasan in meydadka halkooda loo daayo madaama uu ka dhumay qabri ay ku jirtay hooyadeed.

“waxaan ka cabsanayaa in meydka hooyadeey bada lagu shubo ,madaxweyne xasan waxaan si sharaf leh kaaga codsanayaa in meydadka halkooda loo daayo ,aniga ma awoodo inaan helo qabriga hooyadeey kaliya waan imadaama waana u duceeyaa ,waxaana halkaan iigu dega qalbiga”ayay tiri hooyadaasi oo la hadashay TV-ga Dalsan.

Sidoo kale Nin isaguna hooyadiis oo hore u dhimatay ay ku jirto qabriga iskuul buluusiya ayaa isna sheegay in Dowladu heli karto dhul aan kan ahayn sidaas daraadeed uu codsan lahaa inay meydadka u dhaafaan halka ay ku jiraan.

Ninkaan oo isna la hadlay TV-ga Daklsan ayaa sheegay inuusanba aqoon meel kale oo uu raro meydka hooyadiis.

Si kastaba Dowlada ayaa sheegtay inay shacabka ka caawin  doonto sidii ay meydadka kula bixi lahaayeen gaar ahaan kuwa ay ku adkato,islamarkaana ay siin doonan meel ay ku aasaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here