TRIPOLI (DAYNIILE.COM)-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Liibiya ayaa warbaahinta u sheegay in meydadka 28 tahriibayaal ah laga soo saaray xabaal-wadareed ay ku aasan yihiin saxare ku yaalla koonfurta bari ee dalkaasi Liibiya.
Ciidamada amaanka dalka Liibiya ayaa xabaalahaani iyo kuwo kalaba helay kadib markii weerar ay ku qaadeen goobaha ay isticmaalayaan kuwa dadka tahriibaya halkaasoo ay ka soo heleen tahriibayaal nool nool oo meesha lagu heystay kadibna xoriyadooda ayay siiyeen.
Sida xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu baraha bulshada ku shaaciyay tahriibayaasha la soo bad-baadiyay ayaa tiradoodu ahaayeen 76 muhaajiriin ah kuwaasoo la jir-dilay.
Jid dilka iyo tahriibinta waxaa ciidamadu u soo xireen hal nin oo Liibiyaan ah iyo laba kale oo ajaanib ahaa.
Sidoo kale Dowlada Liibiya waxay wadaa baaritaano lagu sameynayo saxahara Kufra oo caasimada Liibiya ee Tripoli u jirta 1,700 kilomitir.
Si kastaba meydadka oo si gaar ah loo baari doono lama yaqaan hadii ay Soomaali ku jiraan iyo inkale walow dalal badan ay tahriibkaasi ku wehliyaan Soomaalida sida Itoobiyaanka iyo dalalka Carabta ee dagaalada iyo colaaduhu ka jiraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM