XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga siddeeda jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa labaatan sano ku dhowaad ahaa kan ugu sareeya kubadda cagta, isagoo barbar socda xafiiltan toos ah oo kaga imanayay Ronaldo.
Si kastaba, iyadoo labada xiddigba ay hadda dhamaadka xirfadooda ku sii dhow yihiin, jiil cusub oo xiddigo ah ayaa soo baxay.
Markii la weydiiyay magacyada ciyaartoyda ay carruurtu hadda ku daydaan, Messi wuxuu si cad uga reebay liiska isaga iyo Ronaldo, isagoo xusay Robert Lewandowski oo ay xafiiltan ahaayeen, iyo afar xiddig oo dhalinyaro ah oo ka mid ah kuwa ugu ifaya Yurub.
Messi ayaa u sheegay Simplemente Fútbol:
“Carruurtu waxay daawadaan wax kasta oo ay ciyaartoydu sameeyaan, way garanayaan dhammaan xiddigaha, waxayna raacaan dhammaan. Ciyaartoyda ay ka sheekeeyaan waa Mbappe, Vini Junior, Haaland, Lewandowski iyo Lamine Yamal.”
Messi wuxuu si gaar ah u ammaanay Lamine Yamal, xiddig kale oo kasoo baxay La Masia, kaas oo Spain ku hoggaamiyay guushii Euro 2024, islamarkaana hadda hogaaminaya Barcelona xilli ay u muuqato inay hanan karaan seddaxley koobab ah – isagoo weliba jira kaliya 17 sano.
Messi wuxuu yiri:
“Waa wax layaab leh waxa uu Lamine Yamal sameynayo iyo waxa uu horeyba u gaadhay.
Wuxuu horey horyaal Yurub ah kula guuleystay Spain. Wuxuu jiraa kaliya 17, welina wuxuu ku jiraa marxalad koritaan, wuxuuna sii wadi doonaa horumar iyo wax ku biirin, sida aan aniguba sameeyay.
Wuxuu leeyahay tayo cajiib ah, wuxuuna horeyba uga mid yahay ciyaartoyda ugu fiican dunida.”