MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa warar la helayo waxay sheegayaan inuu 24-kii saac ee u dambeysay kulamo la qaatay xildhibaanada Soomaaliyeed labadooda aqal xili beri subax uu furmi doono kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka.
Kulamadaan ayuu Madaxweynuhu kala hadlay xildhibaanada in xoogaa la dejiyo buuqa ka dhex jira labada aqal xili dhawaan uu furmi doono kalfadhiga 6-aad.
Madaxweyne Xassan oo fahamsan dhaq dhaqaqa ay wadaan xldhibaanada ku kacsan Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xildhibaanada ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii xiisada loo dejin lahaa.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka gaarabay culeysyada ay xildhibaanada qaar qabaan isagoona u muujiyay in wax kasta xalintooda uu diyaar u yahay.
Kalfadhiga 6-aad ayaa la rajeynayaa inuu beri si degan uu u furmo kadib kulamada uu madaxweynuhu la qaatay xildhibaanada xili ay hore u jirtay cabsi ahayd in xildhibaanada mucaaradku buuq ku furaan furitaanka kaladhiga 6-aad ee berito oo Madaxweynaha lagu wado inuu furo.
DAYNIILE.COM