Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa maqribkii booqday Xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii-Nairobi gaar ahaan Xarunta Ganacsi ee BBS Mall.
Madaxweynaha waxaa la socday Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Jabriil Cabdulle,Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Yuusuf Xasan oo ah Xildhibanka laga soo doorto Kamukunji-Nairobi.
Madaxweynaha la kulmay qaar ka mida ganacsatada,wuxuun kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin.
Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu sidan oo kale u booqday BBS Mall islamarkaana uu la hadlay shacabka Soomaalida ee dega Xaafada Islii ee Nairobi Kenya.
Si kasaba Madaxweynaha Soomaaliya ayaa nairobi u joogay maalmahaan danbe shir madaxeed dhanka maaliyada iyo bangiyada looga hadlaayay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM