DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saaka Maxkamada Gobolka Galgaduud ay dil toogasho ah ku fulisay nin hore dil u gaystay.

Maxkamada ayaa sheegtay inay gacan ku dhiigle Sakariye Aasad Faarax saaka ku fuliyeen dil toogasho ah taasoo ah qisaasta marxuum C/laahi Khaliif Faarax oo uu hore u dilay.

Advertisement

Xeer ilaaliyaha Galmudug C/xakiin Maxamed Xirsi ayaa saxaafada la hadlay kadib toogashada markii ay dhacday wuxuuna sheegay in dacwadaan ay soo bilaabatay 1-4-2024 markii xeer ilaalintu ku soo eedeysay Sakariye Aasad Faarax  inuu dilay C/laahi Khaliif Faarax  10-kii bishii Oktober sanadkii 2023-kii.

Dilka ayaa ka dhacay sida xeer ilaalintu sheegtay deegaan dhaca duleedka Magaalada Guri-ceel iyadoona eedeysanaha lagu dacweeyay inuu si kas ah u dilay C/laahi Khaliif Faarax .

Xeer ilaaliyaha ayaa xusay in ugu dambeyn saaka meel fagaare ah lagu dilay gacan ku dhiiglaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here