Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la soo taagay rag loo haysto falal la xariira tahriibin sharci-darro ah iyo ku luglahaanshaha dhaqdhaqaaqyo ka ganacsiga addoomada ah.
Eedaysanayaasha maxkamadda ka soo hor muuqday oo ka koobnaa 7 xubnood ayaa wajahaya dacwado culus oo la xariira waxyeello ka dhalatay falal tahriibin ah oo ay faraha kula jireen sida Xeer-Ilaalintu sheegtay.
Raggan qaarkood ayaa loo haystaa dad ay Soomaaliya ka tahriibiyeen, kuwaas oo ay u gacan geliyeen kooxo wax addoonsada oo ju sugan dalalka Kenya, Madagascar, iyo Jasiiradda Mayoota.
Kooxaha dadka tahriibiya ayaa horseed u noqda dhibaato baaxad leh oo soo gaarta kumannaan dhallinyaro ah oo doonaya inay si sharci-darro ah u safraan, kuwaas oo qaar kamid ahi ay badaha iyo lama-degaannada ku dhintaan, halka kuwo kalena ay magafeyaal arxan-darran oo madaxooda ka ganacsada u gacan galaan.