Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun ka soo saartay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne oo lagu eedeeyey in uu u Maxkamad doontay Al-shabaab, ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellada Hoose; isaga oo ka dacweeyey Afar qof oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha ayaa ahaa Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Al-shabaab, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, iyada oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan.

Advertisement

Mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir

Sidoo kale, Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir isaga oo markii dambe u dacwooday dhanka Al-shabaab iyada oo  markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda 16kii, November ee sanadkii hore 2024.

Baaris kaddib Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, iyada oo laga oggolaaday 6,dii bishaan kaddibna Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne Lix Bilood oo Xabsi ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa hori ugu digtay in ganacsatada ay u dacwad doontaan Al-shabaab

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here