KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Maxkamadda Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa la hor keenay oo u fariisatay dhageysiga dacwa loo heysto eedeysane Mukhtaar Cabdi Aadan ( Hoobiye ) oo ka mida saraakiisha ciidamada maamulkaani.
Sarkaalkaani reer Jubaland ayaa hada loo heystaa kiis ah inuu si hoose ula shaqeeyo kooxda Alshabaab.
Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa soo bandhigay kiiskaan wuxuuna ka hor sheegay  Maxkamada, xeer ilaaliyaha wuxuu xusay in eedeysanuhu  bilaabay la shaqeynta Alshabaab sanadka 2021-kii.
Sidoo kale Kiiska Mukhtaar Cabdi Aadan ( Hoobiye ) loo heysto waxay maxkamadu sheegeysaa inuu Alshabaab u qaabilsanaa  gudbinta xogaha Ciidamada qalabka sida ee Jubaland.
Baarista kiiskaan waxaa iska kaashaday Xafiiska Dambi barista iyo Ciidamada qaaska ah ee Jubbaland kuwaasoo lga soo xigtay kiiska loo heysto eedeysane Mukhtaar Cabdi Aadan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and textMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, beard, people smiling and glassesMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and textMay be an image of 4 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here