No description available.

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Maamulka Gal-mudug gaar ahaan qeybta Gobolka Mudug ayaa maanta u fadhiisatay dacwad loo heysto nin ku eedeysan inuu dil geystay.

Advertisement

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Mudug Abuukaate C/risaaq Cali Yuusuf ayaa furey dacwada waxaana maxkamada la hor keenay eedeysan Cali Axmed Cilmi oo loo yaqan Cali Garabeey oo ku eedeysan inuu Xaafada Garsoor ee Gaalkacyo ku dilay marxuum Guuleed.’

Dilka loo heysto eedeysane Cali Garabeey ayaa dhacay 3-bisha bishii December ee sanadkii 2024-kii xili galab ahayd.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn eedeysanaha soo hor dhigay inuu cadeysto inuu dilka gaystay,inuu beeniyo iyo inuu dheho dilka waa jiraa laakiin dood ayaan ka qabaa, eedeysanaha ayaa markiiba ku dhawaaqay inuusan wax dil ah geysan balse uu intii doodu socotay uu ku sheegay inay jirto is rasaaseyn dhexmartay isaga koox uu la socday marxuumka dhintay.

Xeerilaaliyaha maxkamada oo isna hor yimid maxkamada ayaa dhankiisa sheegay in Cali Garabeey dilka uu geystay  isagoo soo bandhigay cadeymo muuqaal ah iyo marqaatiyaal intaba wuxuuna dalbaday in dil toogasho ah lagu xukumo Cali Garabeey.

Muuqaalka cadeynta ah waxaa ku jira eedeysanaha oo dhaawac ah islamarkaana qiranaya inuu gacantiisa ku dilay marxuum Guuleed walow hada uu iska diiday markii maxkamada la hor keenay.

Gudoomiyaha Maxkamada ayaa ugu danbeyn sheegay inay go’aankooda ku cadeyn doonaan fadhiga labaad ee Maxkamada hadana ay xiran tahay qeybtaan koowaad ee maxakamadeynta iyo dhageysiga dacwad oogayaasha iyo eedeysanaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here