CABUD-WAAQB(DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Galga-gaduud ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Maxkamada Gobolkaasi maanta dil qisaas ah ku fulisay nin hore Magaalada Cabud-waaq ugu dilay nin kale oo deegaanka ahaa 9-8-2024.
Gacan ku dhiig-laha maanta la qisaasay waxaa lagu magacaabi jirey Dalaal Maxamed Xaashi kaasoo horay Caabudwaaq ugu dilay Cali-najax Cabdul Faarax dhamaantood rabi ha u naxariistee.
Dalaal waxaa loo ogolaaday  inuu salaad suno ah tukado daqiiqado ka hor intaan la toogan
Garsoore Axmed Aadan Cilmi ayaa goobta toogashada ka sheegay in 13-8-2024 Maxkamada Gal-gaduud dil toogasho ku xukuntay Dalaal Maxamed Xaashi oo 34 jir ah taasoo ah qisaasta Cali-najax Cabdul Faarax si waafaqsan sharciga Islaamka.
No description available.
Garsooruhu wuxuu xusay in maanta oo 15-8-2024 ay Maxkamadu fulisay dilaasi qisaasta u ahaa marxuum Cali-najax Cabdul Faarax waliba meel fagaare ah.
Taliyaha Saldhiga Booliiska Magaalada Cabdud-waaq Cabdi Shukri Tuuraaye ayaa isna goobta ka sheegay inay diyaar u yihiin soo qabashada qof kasta oo dil gaysta.
No description available.
“waxaa xaqiiq ah muwaadinkii qof si kas ah u dila in tiirka la geyn doono,shacabkana waxaan leenahay sidaad noola shaqeysaan mar kasta noola sii shaqeeya”ayuu yiri Taliyuhu.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No description available.
No description available.
No description available.
No description available.
No description available.
No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here