Maxkamada gobalka Galgaduud ayaa maanta u fariisatay kiiska Khadar Maxamuud Samatar oo ku eedeysan inuu dilay Allaha u naxariistee Mahdi Cuuke Salaad.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Gal-gaduud Cusmaan Cali Hudey ayaa ugu horeyn weydiiyay eedeysanaha inuu danbiga galay ,inuusan galin iyo inuu dood sharci ah ka qabo, wuxuuna eedeysanuhu ku dhawaaqay inuu dood sharci ka qabo.
Edeysane Khadar Maxamuud Samatar ayaa ku dooday inuusan kas u dilin marxuumka balse ay uu ahaa dil ku yimid si kama’ah.
xeer ilaaliyaha Maxkamada Gobolka Galgaduud ayaa maxkamada ku soo bandhigay marqaatiyaal sheegaya inuu dilku ahaa mid ku tala gal ah,xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in kan la dilay iyo kan wax dilayba ay is rasaaseeyeen.
“midka la dilay rasaasta kor ayuu u riday balse eedeysanaha ayaa kas u liifay, kiladana ka toogtay taasoo keentay geerida,maxkamada waxaan ka codsanayaa in dil toogasho lagu xukumo Khadar Maxamuud Samatar”ayuu yiri xeer ilaaliyaha.
Marqaatiyaasha uu maxkamada hor keenay xeer ilaaliyaha ayaa sheegeen in eedeysanaha xabadihii uu riday ay ku dhacday eedeysanaha.
Ugu danbeyn Gudoomiyaha Maxkamada Galgaduud Cusmaan Cali Hudey ayaa dil ku xukumay eedeysanaha ,wuxuuna amray in xukunsanaha loo celiyo xabsiga sidaasna makamada ku soo xirey.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM