Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybteeda Gobolka Galgaduud ayaa la soo taagay ciidamo iyo saraakiil Milateri oo garaya ilaa 10 eedeysane kuwaasoo danbiyo kala duwan loo heysto sida amar diido,isku day dil iyo ka tagis furimaha dagaalka.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 21-aad Gashanle dhexe C/laahi Abukar Xasan ayaa ugu horeyn furey maxkamada islamarkaana yeeriyay magacyada eedeysanayaasha maxkamadu dacwadooda ay u fadhiisatay gaar ahaan3 sarkaal.
Xeer ilaaliyaha oo dacwada soo gudbiyay ayaa garsooraha u sharaxay dhamaan eedeysane kasta iyo danbiga loo heysto isagoo qaakood codsaday in dil toogasho ah lagu xukumo sida kuwa furimaha dagaalka ka soo cararay.
eedeysanaha sedexaad C/shukuur Maxamed Jaamac waxa lagu soo eedeeyay ka tagid difaaca iyo amar diido,sidoo kale edeysanah 4aad usaame cabdi xuseen jimcaale iyo eedeysanaha 5aad C/shukuur Axmed Aadan waxaaa loo heystaa danbiyo kala duwan sida amar diido iyo isku day dil sarkaal iyo qalqalin bulsho.
“edeysanah 4aad usaame cabdi xuseen jimcaale wuxuu si gaar ah ugu eedeysan yahay inuu weeraray sadhigii Boliiska Degmada Ceel-dheer,sidaas ay tahay Booliisku iyagoo dili kara ayay taliiyihiisa teleefoon ka waceen kuna war geliyeen weerarka uu usama ku hayo saldhiga sidaas ayaana lagu qabtay”ayuu yiri xeer ilaaliyaha
Sidoo kale xeer ilaaliyaha wuxuu garsoorka ka codsaday in ciqaab adag lagu xukumo islamarkaana ciidanimada laga saaro madaama aysan u qalmin sida uu sheegay.
Eedeysanaha 6-aad Mukhtaar Muumin C/laahi , eedeysanaha 7-aad Dable Xooga Cumar Ibraahim Axmed , eedeysanaha 8-aad Maxamed Xuseen Geeseey ,eedeysanaha 9-aad oo maqane ah iyo eedeysanaha 10-aad oo isna maqane ah Maxamed ibrahin Jiinow C/rixiim Xasan Cabdi, dhamaantood waxaa loo heystaa inay gaysyeen amar diido,ka tagis goobta shaqada xili dagaal uu socday.
“304 xeerka c iqaabta wuxuu dhigayaa asakariga ka carara furinta dagaalka in xabadka xabad looga dhufto sidaas daraadeed waa in dil toogasho lagu xukumaa”ayuu mar kale codsaday xeer ilaaliyaha
Dhanka kale Xeer ilaalinta ayaa codsatay in afarta sarkaal ee taliye hurinada ah iyo sarkaal afaraad oo taliye koox ah in lagu qaado danbiga ay gaysteen islamarkaana run looga dhigo qodobada aan ku soo eedeynay walibana ciqaabta ugu adag lagu qaado.
Dhanka kale Abuukaataha difaacayay eedeyasanayaasha ayaa isna garsooraha ka codsaday in eedeysanayaasha qaarkood laga beri-yeelo danbiyada loo soo jeediyay, si gaar ah wuxuu u difaacay afar sarkaal oo eedeymo loo soo jeediyay sida amar diido.
Abuukaataha wuxuu sharaxaad ka bixiyay mid ka mida saraakiisha oo xanunsanaa laguna ogaa in mar uu soo roonaaday amaro kala duwana uu fuliyay balse mar kale xanuunkii ku soo laabtay uu mar xanuun sheegtay taasina aan la dhihi karin amar diido.
“afarta sarkaal mudane garsoore waxaan codsanayaa in shaqadooda lagu celiyo madaama xaalad dagaal ay ku jireen islamarkaana ay duruufo adag ku shaqeynayaan”ayuu yiri Abuukaataha difaacayay eedeysanayaasha.
Si kasaba Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 21-aad Gashanle dhexe C/laahi Abukar Xasan ayaa soo xirey Maxkamada isagoona sheegay inay dib go’aan ka soo saari doonaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM