KISMAAYO (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maxkamada Ciidamada ee Maamulka Jubnland ay saaka fulisay dil toogasho ah.

Maxkamada waxay saaka dilka toogasho ku fulisay 5 nin oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Alshabaab kuwaasoo maxkamadu hore dil ugu xukuntay.
Ragaani dilka lagu fuliyay saaka waxaa hore logu soo eedeeyay inay Magaalada Kismaayo dilal dhowr ah ka fuliyeen kadibna la qabtay laguna xukumay dil.

Sida hore Maxkamadu u sharaxday nimankaan la toogtay waxay Alhsbabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee madax-jebinta loo yaqaan.

Advertisement
Dadkii shacabka ahaa ee ay ragaani hore u dileen waxaa ka mid ahaa Sheekh Cumar Maxamed Daahir, Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo caan ka ahaa magalaada Kismaayo.
Sidoo kale Ragaan oo ku eedeysnaa inay qaraxyo ka fuliyeen Kismaayo ayaa ugu dambeyn saaka  ayaa maxkamada ciidamada Jubaland ku fuliyey qisaasta dadkii laayeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 5 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here