DHUUSA-MAREEB(DAYNIILE.COM)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Galmudug gaar ahaan Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa dil toogasho waxay ku xukuntay dhowaan magaaladaani ku dilay darawal  mooto bajaaj.

Markii dacwada la dhageystay islamarkaana ay maxkamada la hor keenay marqaatiyaal islamarkaana isagu laftiisu qiraal yahay ayay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah iyo waliba bixinta magdhawga nin kale oo uu dhaawacay.

Advertisement

Maxkamadu waxay cadeysay in xukunkaani loo cuskaday aaayadahaa 45 suuratul maa’ida iyo 178 suuratul Baqara ,sidoo kale maxkamada waxay adeegsatay qodobka 434 440 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

“Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida waxay ku dhawaaqeysaa xukunka lanbarkiisu yahay 2172024,maxkamadu markey aragtay eeda uu soo jeediyay xafiiska xeer-ilaalinta ee ciidamada qalabka oo ay ku xusnaayeen aaayadahaa 45 suuratul maa’ida iyo 178 suuratul Baqara iyo 434 440 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed,maxkamadu markay aragtay qiraalka eedeysanaha,maxkamadu markey dhageysatay marqaatiyaasha la hor keenay maxkamada mid midna ugu marqaati kaceen,maxkamadu markey dhagaysatay qareenka difacaya oo ku dooday in danbigu yahay kas dhaaf,maxkamadu markey  dhageystay baaraha kiisa oo si faahfaahsan uga warbixiyay,dood dheer kadib maxkamada waxaa u cadaatay in dalble xooga dalka 38369 Farxaan Jaamac Siyaad Xalane (shiil) ku dhashay cadaado kana tirsan ciidamada Madaxxtooyada Galmudug uu yahay danbigii lagu soo oogay islamarkaana waxay ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii marxuum Maxamed Faarax Maxamuud,sidoo kale waxay ku xukuntay mag dhaawaca dhibane Ismaaciil Cali Muxudiin cidi aan ku qanacsaneyn waxaa u furan racfaan”ayaa lagu yiri qoraalka guud ee maxkamada ka soo baxay kaasoo xukunka lagu bayaaniyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here