MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkaamada Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwadii ku socotay gabdhihii caanka ka ahaa Tiktoka kuwasoo Dowladu dhawaan xabsiga dhigtay.

Gabadhahaan oo lagu soo dacweeyay kicin dadweyne iyo anshax xumo intaba ayaa ugu danbeyn maanta xukun lagu riday.

Advertisement

waxyaabaha lagu eedeeyay ee Maxkamada laga hor sheegay waxaa ugu weynaa Gabdhahaani ka dhigeen dalka inuusan lahayn wax dowlada ah iyo kala danbeyn intaba.

“Waxay u dhaqmeen in Dalku yahay mid fowdo ah oo aysan ka jirin sharci iyo kala dambeyn”ayuu yiri mid ka mida dacwad oogayaasha.

Lix Bilood ayaa lagu xukumay dhanaantood, waxaase ay haystaan fursad ay ku iibsan karaab xukunka Xabsiga Linda bilood ah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here