Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehelliyaan Guddoomiye ku xigeennada Aqalka Sare, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa koowaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka lixaad ayaa ahaa marsiinta Akhrinta koowaad ee sharciyada kala ah:- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Kaalmo sharciyeedka Federaalka iyo Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeed dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.

Advertisement

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Axmednur Sheekh Maxamed ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay sharciyada Kaalmo sharciyeedka Federaalka iyo sharciga dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay maanta golaha ka hor akhriyeen.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa gunaanadkii kulanka sheegay in Guddiyada ku shaqada leh lagu eareejin doonno labada Hindise Sharciyeedyada maanta la akhriyay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here