MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi iyo kuwa Konfur-galbeed ayaa caawa buux dhaafiyay Madaxtooyada Somalia gaar ahaan xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre taasoo ka danbeysay markii ay soo baxday in Caawa shir ay lahaayeen Wasiirada lagu magacaabi doono xilka Ra’iisulwasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukumada Somalia.

Siyaasiga Saalim Caliyow Ibrow oo ah rug cadaa siyaasadeed ayaa la sheegay inuu miiska saaran yahay loona magacaabayo xilka Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad ee Soomaaliya kaasoo ka soo jeeda dhanka Koonfur-Galbeed.

Advertisement

Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi waxaa la sheegay inay diidan yihiin in xilkaasi la magacaabo madaama ay Ra’iisulwasaare xigeenka 1-aad heystaan iyagoo u arka in xilkooda lala qeybsanayo.

Muran badan iyo gadood ay sameeyeen xildhibaanada Reer waqooyiga-Somaliland ka soo jeeda ayaa keentay in dib loo dhigay qorshihii shirka wasiirada caawa lagu dhex magacaabi lahaa Saalim Caliyo Ibrow markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo fara-geliyay arinta.

Sidoo kale Xildhibaanada ka soo jeeda koonfur-galbeed ayaa iyaga waxay cadaadis ku saarayaan Ra’iisulwasaaraha inuu isla caawa magacaabo xilkaan oo aan waqti kale dib loo dhigin.

Shir ay caawa u balansan yihiin Wasiirada ayaa sidoo kale la sheegay in looga hadlayo arinta hubkii dhawaan lagu bililiqeystay Magaalada Cabud-waaq ee waqooyiga Galgaduud.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu reer Koonfur-Galbeed u balan qaaday in la siinayo xilka Ra’iisulwasaare ku xigeenka 2-aad taasoo qeyb ka ahayd balan qaad hore markii xildhibaanadu ansixinayeen 4-ta cutub ee ugu horeysay Dastuurka oo bilo ka hor lagu ansixiyay kalfadhigii hore.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here