MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu isagu ka dambeeyay laba talaabo oo Dowladu qaaday saacadihii ugu dambeeyay

Labada Talaabo ayaa kala ah go’aanka hub ka dhigista iyo xildhibaan reer koonfur-galbeed ah oo maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xili uu ku sii jeeday Baydhabo.

Advertisement

Xildhibaanka oo lagu magacaabo  Maxamed Sheekh C/llaahi (Ciiro) ayaa saaka waxaa garoonka Adan Abdulle Airporta ee Muqdisho waxaa ka celiyay ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Siyaasigaan ka mida xukun doonayaasha iyo mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay saan-saan halisteeda leh laba talaabo ee kala ah hadalkii madaxweynaha uu ka yiri hub ka dhigista iyo talaabada xildhibaanka saaka looga celiyay safarka.

Siyaasiga wuxuu ka digay in falalka masuuliyiinta looga celinaayo safarka ay keeni karto Dowlad burbur islamarkana ay dib u dhiska ay caqabad ku noqoto isla falkaasi.

waa ku takrigal awoodeed waxa ay Dowladu sameyneyso waxay falalka nuucaani xadgudub ku yihiin xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed,wuxuu ugu baaqay Dowlada inay Dastuurka ilaaliso.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here