HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa dhawaa soo saaray wareegto uu ku amarayo in hada kadib falalka kufsiga dadka ku dhaqaaqa la hor geeyo garsoorka iyo maxkamadaha awooda u leh inay go’aan ka qaataan.

Muuse Biixi wuxuu wareegtadiisa ku ku amray in kaliya fal dambiyeedka kufsiga lagu dhameyn karo maxkamadaha sharci ee awoodda u leh, iyagoona gabi ahaanba meesha ka saaray wadiiqooyinkii dhaqanka ee lagu xalin jiray fal danbiyeedyada kufsiga.

Advertisement

Taliyaha Ciidamada Booliiska iyo Xeer ilaaliyaha Maamulka Somaliland ayuu faray inay daba gal ku sameeyaan islamarkaana xaqiijiyaan in kuwa geysta falalka kufsiga la hor geeyo garsoorka si ciqaabtooda ay u maraan.

Talaabada uu qaaday Muuse Biixi waxaa si weyn u soo dhaweeyay Ururka Qareenada  Maamulka iskiis ugu dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ee Somaliland.

Xoghayaha Ururka Qareenada Somaliland Xuseen Maxamud Fadal oo wareysi siiyay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa ku amaanay Muuse Biixi go’ankiisa wuxuuna sheegay in talaabadaani yareneyso falalkii kufsiga ahaa.

“wadiiqada dhaqanka ee reerka gabadha laga kufsaday iyo kuwa wax kufsaday ay wax ku xalistaan waa mid sii dhiiri-gelinaya in kufsigu sii bato oo kan wax kufsaday wuxuuba is leeyahay wado howshaada reerka xalin doonee”ayuu yiri Xuseen Maxamud Fadal  oo intaasi ku daray in talaabada Muuse biixi ay tahay mid meesha ka saareysa kufsiga dhacaya.

Masuulkaani wuxuu sheegay in kufsiga xitaa uu mararka qaar u dhaco si kufsi wadareed ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here