Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maalmihii ugu danbeeyay shir carbeed kaga qeybgalayay Dalka Baxreyn ayaa ka shifay sir ku saabsan qorshaha Itoobiya ee damacooda Badda Somalia

Xamze ayaa khudbadii uu ka jeediyey shirka 33-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta wuxuu ku sheegay in Itoobiya wali ka tanaasulin damaceedii Badda Somalia islamarkaana ayba hada wadaan shirqool cusub.

Advertisement

Ra’iisulwasaaaha ayaa ka shifay in Itoobiya hada wado qorshe ay nidaam cusub wado ugu furaneyso heshiiskii sharci darada ahaa ee ay la galeen Muuse Biixi oo ah madaxweynaha Maamulka Somaliland.

“Damaca Itoobiya wuxuu mushkilad ku yahay guud ahaan amniga Somalia,midka walalahood Carbeed iyo badda Cas” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Warka Xamze ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Xeeaha Soomaaliya ay soo gaareen maraakiib dagaal oo ay leedahay Dowlada Turkey kuwaasoo usoo diyaar garoobay inay Badda Somalia ka fifaacaan cid kasta oo ku soo xad gudubta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here