=QORRE: YAXYE CAMIR=

Nasashadda Jimcaha. Q-408

Advertisement

1. Gabar ayaa tiri: Ragga iyo Haweenku weligood is fahmi maayaan, Sababta oo ah. Abooto Xaawo waxaa laga Abuuray Feertii Nabi Aadam CS isaga oo hurdayo, markii uu soo toosayna waxa uu arkay Qof uuna aqoon oo dhinac fadhiyo.
Haweenkuna Ragga fahmi maayaan. Bal Haweeneey weeydii : Magaca saaxibadii ugu dambeysay ee Saygeeda. Weligeed ogaa meeyso. (F.S:1-2aad)

( Somaliduna Sirta Siyaasiyiintooda weligood ma ogaadaan)

2. Nin ayaa Xaaskiisu dhibtay, waxa uu ku yiri: Markii aad yareed ma Fiirsan jirtay Shaashada Kaamarada yar ee laga fiirsado Kacbada, fartana dhinac looga riixo si loo bedbedelo. Waxa ay tiri: Ha.
Waxa uu u dhiibay midaan… Waxa uu yiri:si fiican u fiiri, Daloolka isha saar kadibna Botonka hoose riix, si aad Kacbada u aragto, waa kaamara shiinees cusub.
Weey Riixday. Alla ha u naxariistee, waxaa la yiri: Maseyr ayey isku dishay. ( F.S:3-4aad)

( maxaa Haween badan kuwii dilay, looga tacsiyeeyay, Aakhio waraa jiro ee Xuquuqda Haweenka Allaah siiyay hala dhowro)

3. Aabe dan yar ahaa, ayaa dhibsaday sanad kasta wiilkiisa Cabdi yare marka isgoolka loo xiro, Buugaagtii hore ee Maadooyinka waa la tuuraa kuwa cusub oo sanadka uu u gudbay ah ayaa loo soo iibiyaa.

Maalin ayuu arakay wiilkiisii oo aad u faraxsan oo ka soo noqday isguulka markii uu soo arkay natiijadii imtixaankii Sanadka. Aabihii ayaa yiri: maanta waad faraxsan tahay ee maxaa dhacay?
Wiilkii ayaa yiri : Waar farxad leh, Aabe Sanadka dambe lagaama rabo in aad Buugaag Cusub ii soo iibiso, Macalinkii waxa uu igu yiri: Isla Buugagtii Sanadkii hore ayaad Dib ugu noqonee. (F.S:5aad)

( Somaliya, maxeey u horuumari weyday? Amaa Ardaygii Cabdi yare maxad ka mid yahay oo uu ku farxsan yahay in halkiisii uu joogo sanad kasta)

4. Muunye oo Reer Xamar weyne ah ayaa maqlay Gantaal ayaa ku dhacay Taleex. Waxa uu yiri: Xaafadda Taleex anigu waa kasaa, Hal taleex waan maqlay mid kale miyaa jiro? . Waxaa lagu yiri: muunyoow, Gantaalka xagee laga soo riday? Waxa uu yiri: Waxaan maalmahaan maqlaayay Police-ka iyo Reer 6 Biyaano aa is heeysto, waxaan u maleeynaa in Gantaalka laga soo riday Xarunta Taliska police-ka, oo lagu ridayay Dab damiska, laakin waa gaari waayay waxa uu ku dhacay iagooyska taleex ee u dhaw isgool Banadir.
Muunye, dambi male hal taleex ayuu yaqaan. (F.S:6-7aad)

( Dalka iyo Deegaanadda hala barto, Dad badan ayaan Wanla weyn iyo Daafeed kala aqoon)

5. Dalka Congo oday ayaa Hotel degay kadibna “One line” ku dalbaday in loo keeno Gabar 17 Jir ah oo ah Haweenka Jirkooda ka ganacsado. Waxaa loo keenay Gabadhiisii, Duqii istaagga ayuu ka dhacay, Gabadhiina Gurigoodii dib uguma noqon. (F.S:8aad)

( Beryahaan Xamar ayaa laga sheegayaa “Online Girls link” , Dalka wax badan oo ayaa ku soo kordhay. Haleeysku badnaado, shartana Alla ha ku dhinac dhigo)

6. Nin ayaa yiri: Haddii Samadda uu ka soo di’i lahaa Rooba Haween ah, indhaheygu waxa ay Qaban leheyd Xaaskeeyga oo kaliya.( F.S :9aad)

( Magaaladaada meeqa Rag ah ayaa joogto, oo Hadalkaasi Run ka yahay?)

Qore :Yahya Amir

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here