Siyaasiga caaanka ah Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa qoraal uu ku soo bandhigay bogiisa Internetkla wuxuu aad ugu dhaliilay Sheekh Cali Wajiis oo ka mida Culumada caanka ka ah Soomaaliya islamarkaana madaxtooyada Villa Somalia la shaqeeya.

C/raxman C/shukuur wuxuu ku eedeeyay shiikh Cali Wajiis inuu ku dhacay laba danbi waa weyn kuwaasoo uu ku sharaxay bartiisa facebook waxayna u qorneyd sidan:-

Advertisement

Waagii aan Naxwaha baran jirnay ayaa kitaabka Alfiyatu Ibnu Maalik, waxay culimada ka sheegi jireen in Sheekha markuu alifayey ee uu marayo tuducda فائقة الفية إبن المعطي “Way ka sarraysaa Alfiyadi Ibnu Mucdhi” ayey ka istaagtay. Ibnu Mucdhi wuxuu ahaa Sheekh hortii geeriyooday oo Kitaab Naxwaxaha alifay.

Ibnu Maalik ayaa riyada ku arkay Ibnu Mucdhi, kolkaa buu ku yiri; Ibni Maalik waan ogahay in ay kaa istaagtay Alfiyadii ee anigaa kuu furayee, waxaa tiraa والحي يغلب الف ميت “oo ah ruux nool kun dhimatay wuu ka adagyahay” taaoo uu ula jeedo, haddii aan noolaan lahaa sidaa ima tiraahdeen.

Halkaa markii ay taagan tahay, ayuu Ibnu Maalik xishooday kolkaasuu dhowrkan tuduc raaciyey tii hore ee ahayd فائقة الفية ابن المعطي
و هو بسبق حائز تفضيلا
مستوجب ثنائي الجميلا
و اللّه يقضي بهبات وافره‌
لي و له في درجات الآخره‌
“Fadli uu iiga horeeyey ayuu koobsaday
Wuxuuna mutay amaantayda
Ilaaheey hibo buuxda ha u qadaro
Aniga iyo isagaba, daroojiyinka sare ee Janada”

Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu AUN saaxibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah.

Labo danbi ayuu Sheekh Cali mowtada ka galay, markii uu fatwooday in uu qabuuraha la faago iyo markii uu nin geeriyooday oo ay argagexiso dishay eed uusan iska difaaci karin dusha ka saaray.
“Damiirku hadduu qallalo
Hadduu dufan-raadis yahay
Daliilka hortiisa yaal
Waxaa kaga beegan daah,
Dadkuna badi waa sidaas.”
Hadraawi
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here