MANDERA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maalmihii uu ku sugnaa deegaanada Gobolada waqooyi Barei Kenya halkaasoo si gaar ah ay u degaan Soomaalida Kenya wuxuu fariin hawada u mariyay kooxda Alshabaab.
William Ruto oo habeen seexday Magaalada Mandera ayaa shaaca ka qaaday inuu waliba habeeno kale seexanayo Mandere isagoo meesha ka saaray warar sheegaya inay Alshabaab dhaq dhaqaaqyo ka sameeyaan deegaanada xadka ku yaal.
Sidoo kale Madaxweynaha Kenya oo aad u soo jiitay Soomaalida Kenya ayaa qaaday dhowr talaabo oo uu ugu hiilayay Soomaalida sida inuu dib u furay xafiiska laanta socdaalka ee Garissa oo muddo ku dhowaad 10 sano xirnaa.
Talaabadaan uu qaaday Ruto ayaa la soo sheegayaa inay u sahli doonto Soomaalida Waqooyi Bari Kenya inay halkaas ka qaataan baasaboorrada.
Sidoo kale Madaxweynaha Kenya xariga ka jaray mashaariic lagu dhisaayo wadooyin isku xiraya deegaanada Soomaalida Kenya,Sida gaarisa,Ijaara iyo Laamu.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM