Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu eed culus dusha ka saaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Sidoo kale wuxuu si toos ah ula saftay siyaasad ahaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor.

Hadaba qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur halkaan ka akhriso isagoo sidiisa u qoran:-
Galmudug waxay ka mid tahay maamullada curdinka ah ee haatan hanaqaadaya, waxay ku dhisan tahay heshiis bulsho oo nugul, waxaana lagama maarmaan ah in aan mudnaanta koowaad siino ilaalinta xasilloonida, ammaanka iyo nabadgelyada degaanka.

Leebka salka kaga taagnaan jiray, welina ku taagan reer Galmudug waa colaad isheedu tahay qori iyo qab qabiil oo is-barkan.

In la hamiyo hoggaanka Galmudug, laguna tartamo waa mid ay u siman yihiin dadka degaanka iyo qofkii hibo hoggaamin leh, laakiin waa in loollankuna uusan ka bixin xayndaabka dawladnimo.
Madaxda dowladda waxaa laga filayey in ay siyaasadda amniga iyo difaaca dalka ay heer federaal ahaato kalana shaqeeyaan dowladaha gobollada. Marna laga filanmaynin in ay u laabtaan wadadii lagu soo hoogay ee hoggaamiye kooxeedka.

Hoggaamiye kooxeed waxaa noqonaya shakhsi ama koox kasta oo haysta il dhaqaale oo aan sharci ahayn iyo awood ciidan oo ka baxsan haykalka iyo hannaanka dowliga ah.

Tartanka siyaasadeed waa in uu ahaadaa mid ku dhisan aragti, waxqabad iyo barnaamij siyaasadeed, dadka loollanka ku jiraana waa in ay aqoonsanyihiin sharciyada dowladnimada Galmudug, kana fogaadaan qabiil abaabul iyo qori dhurasho.

Waxaa xaq ah doodda oranaysa in muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxda Galmudug uu dhammaaday, loona baahan yahay in la cusboonaysiiyo, waase in dooddaas dibadda loola soo istaagaa oo daaha dabadiisa laga soo baxo, laguna muujiyo abaabul nabadeed iyo halgan siyaasadeed, lagana bilaabo u bareerka Madaxweyne Xasan Sheekh oo la wada ogyahay in uu yahay qofka diiddan in doorashada la qabto.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here