Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo toddobaadkan booqasho ku tagey gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto ayaa ku dhawaaqay in la baabi’inayo habraacii hore ee hubinta dadka Baasaboorka ama kaarka aqoonsiga qaranka qaadanaya.
Habraaca adag ee hubinta dadka qaadanaya Baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga ayaa Soomaalida si gaar ah loogu takoori jirey, ayadoo si ka duwan muwaadiniinta kale loola dhaqmi jirey, islamarkaana qofka aqoonsiga u baahan damiin iyo dad yaqaanna lagu xiri jirey.
Hannaankan faquuqa ah ayaa Soomaalida keliya ku koobnaa, balse sanadkii 2010-kii ayaa dastuurka lagu daray in habraacyadan ay mari doonaan dhammaanka dadka deggan gobollada ku yaalla soohdimuhu.
Tallaabadan uu qaaday madaxweyne Ruto ayaa la filayaa inay fududeyso hannaanka codsiga kaararka aqoonsiga qaranka iyo in la xoojiyo sinnaanta muwaadiniinta Kenya, wuxuuna nidaamkan cusub dhaqan-gali doonaa bisha May ee sanadkan 2025-ka.