=XIGASHO BBC SOMALI=Gollaha Nabadda iyo Ammaanka AU

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa shaacisay Bishan Janaayo ee sanadkan in Soomaliya ay u sharaxan tahay inay kursi ka hesho 15 xubnood ee ay ka kooban yihiin Golaha Nabada iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Advertisement

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kuraasta uu ka kooban yahay tahay mid si meerto ah ay dalalka ku jira Ururku ugu fariistaan, Soomaaliya ayaan horrey u qaban kursigan tan iyo markii la asaasay sanadkii 2004-tii

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, waa hay’adda joogtada ah ee awoodda u leh go’aan gaarista arrimaha ka hortagga, maaraynta iyo xallinta xaaladaha colaadaha iyo qalalaasaha ee ka dhaca Qaaradda Afrika. Sidoo kale waa tiirka muhiimka ah ee Nabadda iyo Amniga Afrika kaas oo ah qaab-dhismeedka horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Afrika.

Maxay tahay faa’iidada uu kursigan ee Soomaaliya?Cabdisalaan Hadliye

Sida uu BBC-da u sheegay Dr Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo horrey Soomaaliya uga soo noqday wasiirka arrrimaha dibadda, ayaa xusay in kursigan ay hadda

“Isagu waa qolada sida tooska u xukunta ciidamada na loo soo dirayo, Marka aad bay muhim u tahay, wadamo kale ayaa xukumi jirayk kuma aynaan jiran, laakiin iminka haddan xubin ka noqo waa wax weyn. Guul weyn ayaan ku tilmaami lahaa” ayuu Hadliye.

Wuxuu intaa ku daray in gobolku ay ka jirto xiisaddo kale duwan ay Soomaaliya ka qayb qaadan karto sidii xal loogu heli lahaa.

“Gobol rabshad badan baan ku jirnaa oo dhibaatooyin badani ka socdaan, inaan ka qayb galno oo ogaano sidii walaalaheena Afrikaanka ah ee hareeraheena deggan iyo kuwaan innagu is hayno iyo kuwa iyagu dhexdooda is haya sidii aan door ugu qaadan lahayn sidii an maslaxadooda iyo maslaxada gobolka ugu shaqayn lahayn. Innaga danteenu waxay ku jirtaa gobol nabad ah iyo Afrik oo nabada ah. Marka haddaynu galno golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU, waxaynu nahay dadka samaynaya go’aanada sida gobolka iyo Afrika nabad ugu wada noolaan lahayd” ayuu BBC-da u sheegay Dr Cabdisalaan Hadliye.

Wuxuu intaa raaciyey Dr Hadliye, in dowladdo kale horrey ay u hoggaamin jireen Golahan basle taasi hadda isbadeshay ka dib dhibaatooyinka ka socdo meelo badan oo ka mida Qaarada.

“Waxaa weeye kursi muhima iyo hay’ad muhim ah in aynu ka qayb galno aynuna danteena ka fiirsano” ayuu intaas ku daray Dr Cabdisalaan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye, ayaa sheegay in doonista kursigan iyo kuwa hadda ay dowladda Soomaaliya qabatayba ay ka turjumayaan in Soomaaliya ay soo noqotay ayna kaalin ka qaadanayso maslaxadaha adduunka iyo gobolkaba.

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in faa’iidooyinka ka helayso Soomaaliya uu ka tilmaami karo Magac dalku ka helayo maadaama uusan horrey u qaban iyo in uu fariisanayo meel lagu gaarayo go’aanada muhimka ee Qaarada Afrika.

Fursadaha Soomaaliya ee KursigaDanjire Cawad

Danjire Axmed Ciise Cawad oo horrey Soomaaliya ugu soo noqday wasiirka arrimaha dibada ayaa qaba in dhowr fursadood ay Soomaaliya ka caawin karaan inay hesho kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Wuxuu xusay in qabashada Soomaaliya ee kursiga an joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku kaalmaynayo helida kursigan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

“Wuxuu kordhinayaa culayska ama fursada aynu AU ugu mid noqonayo Golahaas, waxaan ku doodi karnaa maadama halkaas an joogno waana inaan halkaan joognaa maadama labaduba la rabo inay wada shaqeeyaan”ayuu BBC-da u sheegay Danjire Cawad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in caawinayso Soomaaliya inaysan horrey kursigan ugu fariisan marka la eego wadamada ku yaalla Bariga Afrika ee xubnaha ka ah urur Goboleedka IGAD.

Marka laga soo tago kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay Soomaaliya ku dhawaaqday inay u sharaxan tahay dalka ayaa dhawaan ku fariistay xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taas oo loo arkay mid muhiim u ah masrixiyada diblomasiyadda ee Soomaaliya muddo dheer ka dib.

Kursiga an joogtada ahayn ee Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey Soomaaliya mar kale fariisatay muddo 50 sano ka badan markeedii labaad.

Xubnaha Golahan ayaa sanadkii 2022-kii booqday Soomaaliya iyagoo socdaalkooda u jeedadiisa ku sheegay qiimayn iyo xog waraysi.

Soomaaliya doonayso uu si gaara muhiimad ugu leeyahay dalka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here