Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Cadaaladda ee Masar.
Kulankaan ayaa diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal, si gaar ah horumarinta nidaamka cadaaladda Soomaaliya, iyada oo ay kulanka qeyb ka haayeen Wasiiru-dowlaha Cadaaladda, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Cadaaladda Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo akale, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in kulamadan ay dhameystirayaan wadahadalladii dhacay safarkii shaqo ee uu ku tagay Masar bishii Nofeembar ee lasoo dhaafay.
Kulanka ayaa la isla gartay arrimaha xoojinta iskaashiga tababarka garsoorka iyo cusboonaysiinta shuruucda, si kor loogu qaado hufnaanta iyo waxtarka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya.