Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib U Heshiisinta Iyo Hanti Isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay la kulmay xubno ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa Barnaamijka dhab U heshiisiinta iyo Istaraatijiyadiisa ayaa waxa ay xubnahan ka socday wasaaradda warbixin kooban ka siisay Guddiga Nidaamka Istaraatijiyadda iyo dhab u U heshiinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka uyo Dib U Heshiisinta ayaa Guddiga usoo jeedisay Qorshaha Istaraatijiyadda Qaran ee Hirgelinta Hanaanka Dhab-U-Heshiisinta Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Xaqiiqa raadinta, Dib U heshiisiinta iyo Hanti isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Axmed Aadan Axmed oo kulanka soo xiray usheegay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib U Heshiisiinta in ay sii wadi doonaan kulamada u dhaxeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

DHAMMAAD
May be an image of 6 people
May be an image of 1 person and beardMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person
May be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, people studying and textMay be an image of 1 personMay be an image of 9 peopleMay be an image of 1 person, studying and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here