May be an image of 2 people, dais and text
Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa wada hadalkooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso inay la wareegto xubinnimada kursiga Golaha Ammaanka ee Q.M. 2025 – 2026.

Waxaa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen hawlgalka Qaramada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo Xoghayaha Guud uu soo dhaweeyay soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ku saabsan qorshaha mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobay iyo dhinaca kale qorshaha kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Advertisement
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here