Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay ku wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka Isbeddelka Cimilada Axmed Maxamed Cumar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdirashiid Olow, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Nuur Affey, iyo Xildhibaan Baa’le, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhallinyarada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa dhallinyarada ku boorriyay inay noqdaan hormuudka isbeddelka bulshada, isaga oo xusay muhiimadda ay dhalinyaradu u leeyihiin mustaqbalka dalka, sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xaqiijinayo cadaaladda iyo sinnaanta siyaasadeed, isagoo ku adkeeyay dhallinyarada inay wacyigelin u sameeyaan bulshada inteeda kale si loo gaaro ujeeddooyinkaas.

dhinaca kale Xubnaha wafdiga ayaa , dhallinyarada kula dardaarmay inay iska kaashadaan sugidda nabadda, taageeridda dimuquraadiyadda, iyo horumarinta bulshadooda sidoo kalena ay dhalinyaradu yihiin xoogga ugu weyn ee lagu dhisi karo dowladnimo waarta iyo mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.May be an image of 2 people, flute and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and people studyingMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 7 people, people studying, dais and textMay be an image of 4 people, beard and people smilingMay be an image of 9 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 8 peopleMay be an image of 5 people, beard and people smilingMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people
May be an image of 2 people, flute and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here