Dowladda Kenya ayaa saacado ka hor shaacisay qorshe la yaab ku noqday dadka iyo dowladda Soomaaliya, ka dib markii ay sheegtay in dhammaan dadka ku nool qaaradda Afrika ay dalkeeda Visa la’aan ku tagi karaan, markii laga reebo muwaadiniinta u dhashay Soomaaliya iyo Libya.

Kenya waxay arrintan u sababaysay in arrimo ammaan dartood, balse Soomaaliya oo ah suuqa uga weyn ee Kenya ay qaadkeeda u iib-hayso, si maalinle ahna ay boqolaal kun oo dollar uga faa’iida macaamiisheeda Soomaalida ah ayaa tillaabadani u muuqataa mid meel ka dhac ku ah.
Kenya oo horay loogu eedeeyay inay dhankeeda ka fuli waayeen heshiisyo badan oo labada dal ay wada galeen, kuwaas oo fududaynta socdaalka la xariiray, balse waxaa waayadii dambe rajo laga muujinayay in culaysyadaas la xallin doono maadaama xukuumadda hadda jirtaahi ay maamulka Ruto iskaashiga xooggan la leedahay.

Advertisement

Tillaabadan ay Kenya qaaday ayaa muujinaysa in iskaashiga iyo wada-shaqeynta lanada dhinac aanu isku dheelli-tirnayn, waxayna xukuumadda Nairobi maalmo ka hor ku dhaqaaqday tillaabo kale oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya ka dib markii ay magaalada Kismaayo diyaarad gaar ah uga qaaday madaxweynaha Jubbaland.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here